Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Axmed Madoobe oo guul kula laabanaya Kismaayo iyo Villa Soomaaliya oo loo heshiiyay!

Nairobi (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, mudane Axmed Madoobe ayaa iska fur furay culeyskii siyaasadeed ee ka heystay mucaaradka Jubbaland, wuxuuna dib ugu laabanayaa magaalada Kismaayo isagoo wax wel wel ah qabin marka laga reebo Khilaafka Dowladda Federaalka oo culeys sidaasi u buuran ku heyn.

Cabdinaasiir Seeraar oo ahaa mucaaradkii ugu weynaa ee Axmed Madoobe ayaa hadda heshiis la galay Axmed Madoobe, wuxuuna ku qancay qodobo la soo hordhigay oo qaarkood uu kaga maqnaa maamulka Jubbaland, sida ay sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Odayaal isku heyb yihiin Cabdinaasir Seeraar ayaa ku qasbay inuu la heshiiyo Axmed Madoobe cadow badan isku baheysteen si horay loogu sii socdo, wuxuuna aqbalay codsiga reerkiisa kaga yimid.

Ilaa iyo hadda lama oga go’aanka uu qaadan doono Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo isagana ah mucaaradka Axmed Madoobe ee ku heysto magaalada Kismaayo, waxayna saaxiibo dhow ay wada ahaayeen Cabdinaasir seeraar oo hadda u weecday dhanka Axmed Madoobe.

DF Soomaaliya oo kaashaneysa Dowladda Itoobiya ayaa dagaal siyaasadeed oo aad u adag kula jirta Axmed Madoobe, kaasoo la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:

XOG XASAASI: Feysal Cali Waraabe oo kashifay xogta kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe, Maxa lagu heshiiyay?

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...