Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Sharciga Iibka Qaranka

Muqdisho(Halqaran.com)-Mudanayaasha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta yeeshay kulankodii 6aad kalfadhigiisa 6aad ee Golaha Shacabka.

Mudanayaasha ayaa ugu horeyn dood ka dib meelmariyay Sharciga iibka Qaranka, waxaana ogolaatay 133 xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday halka Afar mudane ay ka aamuseen meel marinta sharcigan.

Sidoo kale mudanayaasha ayaa ansaxiyay sharciga Furdooyinka waxaana ogolaatay 134 waxaa diiday Shan Xildhibaan, Sedexna way ka aamustay.

Kulamaddii u dambeeyey ee Golaha Shacabka ayaa lagu meel mariyey Sharciyo muhiim u ah dalka kuwaas oo ay soo gudbisay Xukuumadda dalka.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...