Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

Aqalka Sare Oo Guddi U Magacaabay Fatahaadaha Wabiya Dalka

Muqdisho(Halqaran.com)-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 30-ka Octoober Magacaabay Guddiga gurmadka fatahaadaha Wabiya Shabeelle iyo Jubba.

Guddigan oo uu Magacaabay Aqalka Sare ee dalka ayaa ka kooban 8-xubnood, kuwaasi oo ka qeyb galaya gurmadka loo sameynayo dadka uu saameeyay fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Sidoo kale Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare mudane Mowliid Xuseen Guhaad.

Si kastaba Magaalooyin badan oo kamid ah Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gurmad xoogan oo loo sameeynayo dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo duleedkeeda, kuwaasi oo uu sameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Xafiiska Wararka(Halqaran.com)
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...