Saturday, January 17, 2026
27.9 C
Mogadishu

Xildhibaan u geeriyooday dhaawac uu u gaystay Gudoomiyaha Warsheekh

Xildhibaan Xasan Cali Xasan ee dhaawaca u geeriyooday

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan ka tirsanaay Golaha deegaanka Degmadaasi Warsheekh, kadib markii dhaawac uu horay u soo gaaray.

Xildhibaanka ayaa waxaa horay u dhaawacay Gudoomiyaha Degmadaasi Warsheekh, xilli la baraayay Isticmaalka Bistoolada.

Dhaawaca loo gaystay Xildhibaanka ayaa dhacay 19-kii Bishii September, xilligaasi oo uu ku soo dhaawacmay Magaalada Warsheekh.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Cali Xasan ayaa muddo laba bilood ah waxa uu yaalay isaga oo dhaawac ah Isbitaalka Madiina halkaasi oo ugu dambeyn xalay ku geeriyooday.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Maamulka Degmadaasi Warsheekh oo siyaabo kala gedisan ula hadlay Warbaahinta gudaha.

Khamiista Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso Xildhibaanka dhintay Allaha u naxariistee.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...