Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

Abiy Axmed oo magacaabay xoghayaha guud ee IGAD, waa kuma ninkan?

Addis Ababa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, ahna Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Xoghayaha guud IGAD u magacaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu.

Abiye ayaa warqaddiisa magacaabista ku sheegay Workeneh Gebeyehu, uu noqonayo Xoghayaha IGAD islamarkaana uu beddelay Maxbuub Macalin oo u dhashay Dalka Kenya.

Dalka Kenya oo muddo badan hayay booska Xoghayaha guud ee IGAD ayaa haatan qaban doona Guddoonka Ururka halka Itoobiya oo haatan heysa Guddoonka ururka loo magacaabay Xogheyn.

Bisha soo socota ayaa shirka IGAD ee ka dhacaya Nairobi lagu wadaa in Abiye Axmed uu xilka Guddoomiyaha IGAD ku wareejiyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo horay u qaban xilalka ayaa ka biyo diidsan xilalka sarsare ee IGAD ee ay mar walba isku badalaan Kenya iyo Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Mr. Abiy Axmed ayaa u hambalyeeyay Xoghayaha cusub ee ururka IGAD Workeneh Gebeyehu oo xilkan heyn doonaa afarta sano ee soo socoto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...