Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Waxa ka soo baxay kulamadii iska soo horjeeday ee ka dhacay Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyay.

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa xalay ka dhacay kulamo iska soo horjeedo oo ay yeesheen Xubnaha Guddiga doorashada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Guddiga Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay.

Guddiga Doorashooyinka ee uu magacaabay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa wuxuu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaay arrimaha doorashooyinka.

Waxa kale uu kala hadlay sidii si cadaalad ah loogu qaban lahaay arrimaha soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale, xubnaha Guddiga Xukuumadda ay magacaabeen ayaa dhankooda iyagana waxa ay yeesheen kulan looga hadlaayay Arrimaha Doorashada Galmudug.

Cabduqaadir Nuur Caraale oo ka mid ah Xubnaha Guddiga magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay ku soo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha.

Ilaa iyo hadda lama oga sida labadan Guddi ee doorashooyinka ay uga shaqeyn doonaan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Halka hoose ka Dhageyso Codka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...