Wednesday, May 20, 2026
27.2 C
Mogadishu

Xildhibaan Jeesow: ‘Waxaan leeyahay Odayaasha Dhaqanka ha u tagina Al-Shabaab’

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay amarka kasoo baxay Al-shabaab ee ku aadan in 45-maalmood ay isku soo diiwan galiyaan Ergadii doorashadda Xildhibaanadda.

Xildhibaan Jeesow oo la hadlayay warbaahinta Magaaladda muqdisho ayaa Odayaasha ugu baaqay in aysan u tagin Al-shabaab,islamarkaana Alle dilo uu dhinto.

“Shabaab awalba way dilayeen Odayaasha Dhaqanka ma aynaan dhaafin,ergadii ayay laayeen, waxay laayeen odayaal dhaqan oo badan, dad ayay xaqdaro ku laayeen, Odayaasha Dhaqankana dadkaas uun bay ka mid yihiin,shacabka maalin walba ayay gumaadayaan, oo tii hadda Kismaayo ay ugu dambeysay,waxa keliya ee oran lahaa waxaa weeye in nimankaas hal adeeg iyo iska caabin ay kala hortaggaan, Ilaahaa wax dilee wax aad dili kartaan malaha inay yiraahdaan”, ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay waxa ay soo saareen qoraal ay  ku sheegeen in Ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya looga baahan yahay in ay iska soo diiwaangeliyan xarumaha shabaab, si ay uga badbaadaan dilalka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...