Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Xeebaha Soomaaliya oo ku soo badaneya Kalluumeysiga sharci darada ah &kullumeysatada Soomaaliyed oo Ka hadlay

Hobyo (Halqaran.com) – wararka ayaa waxa ay sheegayaan  Qaar ka mid ah kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ka jilaabta xeebaha bariga Mudug in ay  cabasho ka muujiyeen  Qatarta  maraakiibta  shisheeye oo si sharci dara ah uga kalluumeysta biyaha badda  dalka.

Aamiin saciid Aadan oo ka mid ah kalumeystada ku dhaqan  xeebaha dagmada hobyo,ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in maalmihii u danbeeyay ay soo baxeen qeylo dhaan ku aadan maraakiib shisheeye oo sida sharci darada ah uga kaluumeysanaya xeebaha bariga Gobalka Mudug.

Sidaas oo kale Qaar ka mid ah kalluumeysatada Soomaalida ayaa fikrad ahaan  waxa ay qabaan  in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban ama loogu jawaabin  kalluumeysiga sharci darada ah  ee maraakibta shisheeye ay dhallin karaan ,shaqo la’aan ku timaada kalluumeysatada,hoos u dhac dhinaca la xiriira kheyraadka badda iyo bulshada kalluumeysatada ah in ay  ka barakacaan deegaanada xeebaha ah ee dalka sabab too ah Majirto meel ay ka raad sadaan qutul daruuriga oo markii hore ku tiirsaneyd kulluumeysiga.

Kalluumeysatada gobolka Mudug ayaa sheegay in kalluumeysiga sharci darada ah ee ka jira badda Soomaaliya ay ay saameeyn ku yeesheen nolasha kumanaan qoys oo ku tiirsanaa shaqadooduna  aheyd .

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...