Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Maxaa ka ogtahay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Zambia.

Ndola (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Zambia Maxamuud Maxamed Xasan ayaa sheegay in lasii daayay inta badan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Ciidamada ammaanka Dalkaas ay ku xireen Magaaladan Ndola

Maxamuud waxa uu howlgalka lagu raafay Dadkaan u badan Ganacsatada ku sheegay in uu ahaa mid si kedis ah u bilawday maadaama aanay jirin digniin loosoo gudbiyay Jaaliyadda Soomaalida Zambia sida uu hadalka u dhigay.

“Magaalada Ndola waxaa xaafadda ay u badan tahay Soomaalida ka dhacay howlgal lagu xiray muwaadiniin u badan Ganacsato, wax sabab ah nooma sheegin markii aan la xiriirnay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Zambia maadaama dadkaan sharci ay ku joogaan” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamuud Maxamed Xasan oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in si dhexgalka Zambia & Soomaaliya uu soo socday 60-sano, waxaana uuna intaas ku daray in ay leeyihiin Goobo Ganacsi oo Dowladda ay ka hesho Canshuur.

“Hay’adaha ammaanka waxa ay la hareen Dad ku dhaw 50-ruux oo sharciga uu ka dhacay balse dedaalkeena waa sidii loogu cusbooneysiin lahaa si loosoo daayo, Dowladda Zambia inkastoo maamulka uu cusub yahay laakiin waan kala hadalnay arrintaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Zambia Maxamuud Maxamed Xasan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga XFS ayaa sheegtay in si dhaw ay ula socoto warbixinnnada sheegaya Xarig-wadareedka lagula dhaqaaqay Dad Soomaali ah oo ku nool Magalaada Ndolo ee Zambia.

Sido  kale Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Zambia ay ka sugayaan Caddeymo muujinaya sababta keentay in la raafo Soomaalida si loo xaliyo arrinta keentay tallaabadaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...