Wednesday, January 14, 2026
26.9 C
Mogadishu

XASAASI + DAAWO WAREYSI: Xildhibaan si adag ula hadlay Kenya, dhulkana ku jiiday Aadan Barre Ducaale & arrinta Kismaayo oo …

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Sakariye Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo Waraysi xiiso leh bixiyey ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo Xasasi ah oo kamid tahay Xaalada Kismaayo, Doorashooyinkii ka dhacay iyo Wafdigii kenya ee ka qayb galay Caleemosaarkii Axmed Madoobe.

Xildhibaan Zakariye wuxuu siwayn u dhaliilay Aadan Barre Ducaalle, oo uu sheegay inuu yahay nin u shaqeeya Kenya, oo Weliba ka Xagjirsan dadka Asal ahaan u dhashay dalkaasi Kenya.

Wuxuu sheegay inay Gaf iyo Duulaan ahayd Safarkii uu ku yimid Dhul kamid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo horay Baarlamaanka kenya u geeyey Mooshin Ciidamo lagu geynayo Badda Soomaaliya ee Kenya ay doonayso.

Geesta kale, Xildhibaan Sakariye wuxuu ka hadlay Mooshin ka dhan ah Kenya oo ay horgayn doonaan Baarlamaanka, Kaasi oo lagu Xusay Xadgudubyo iyo dhibaatooyin kala duwan oo Ciidamada Kenya ay ka gaysteen Gobolada Xaduudka saaran.


Halka Hoos ka Daawo Muuqaalka Wareysiga:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...