Wednesday, March 25, 2026
27.5 C
Mogadishu

Wiil dhallinyaro ah oo gaari ku jiirsiiyay koox dad ah magaalada Berlin ee dalka Jarmalka

Berlin (Halqaran.com) – Nin 24 sano jir ah oo gaari Mercedes Madow ah watay ayaa subixii Axadda maanta ah dad badan (Koox) ku jiir siiyay gaarigiisa magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka, sida lagu daabacay wargeysa Bild.

Sheekadan oo dhacday abaaro 7:20 AM saacadda Jarmalka, ayaa waxay ka dhacday halka loo yaqaan Hardenbergplazt oo u dhow goob laga raabo Tareennada ee Zoologischer Garten ee magaalada Berlin.

Shilkan ayaa ku dhaawacmay ilaa iyo toddobo ruux, iyadoo saddex ka mid ah dhaawacdooda uu yahay mid halis ah.

Sida booliska Berlin ay galabta warbaahinta u sheegeen, mid ka mid ah dadka sida aadka ah u dhaawacmay ayaa ku jira halis xaalad dhimasho ah.

Booliska ayaa durba gacata ku soo dhigay ninka falkan geystay, waxaana ku socda baaritaan.

Sidoo kale, afhayeenka booliska ayaa laga soo xigtay in booliska uu hadda baarayo waxa dhaliyay shilkaasi iyo xawaaraha xad dhaafka ah ee uu gaariga ku waday ninka falkaasi geystay.

Waxaa soo turjumtay Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com, Bremen-Germany
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...