Wednesday, June 24, 2026
25.8 C
Mogadishu

DHAGEYSO WAREYSI: Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay sharci ahaan waxa ay tahay xil ka qaadistii RW Kheyre

Muqdisho (Halqaran.com) – Kaddib markii Sabtidii shalay golaha shacabka ee BF Soomaaliya uu sheegay in kalsoonidii ay kala noqdeen ra’iisul wasaarihii dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa isla xalay saqdii dhexe Kheyre shaaciyay in uu xilkii iska casilay.

Kalsooni kala noqoshada xukuumaddii Kheyre ayaa waxaa si kulul uga hadlay una eedeeyay, Mareykanka iyo Midowga Yurub, iyagoona sheegay, in si sharci darro ah loo maray hannaanka xilka looga qaaday Xasan Cali Kheyre.

“Hannaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell.

Sidoo kale war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri, “Arrintan waxa ay cirka ku sii shareereysaa xiisadda siyaasadeed, isla-markaana waxay carqaladaynaysaa wadahadaladii bilowga ahaa, ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke oo wareysi dheer siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay, in baarlamaanka uu sharci ahaan leeyahay awoodda uu xilka uga qaadayo RW Kheyre, balse la jabiyay xeer hoosaadka baarlamaanka, taasi buu yiri waa mid sharci darro ah.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhammeystiran:


SII AKHRI WARARKII KALE EE MAANTA:


Wiil dhallinyaro ah oo gaari ku jiirsiiyay koox dad ah magaalada Berlin ee dalka Jarmalka

Midowga Yurub: ‘‘Dastuurka Qaranka ma waafaqsana kalsooni kala noqoshadii RW Kheyre‘‘!

UPDATE: Internetka oo ka go’an Koonfurta & bartamaha Somaliya

Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka jirta deegaan ka tirsan Gobolka Sool


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...