Thursday, June 18, 2026
27.4 C
Mogadishu

Wiil 13 sano jir ah oo u geeriyooday cudurka Coronavirus & dunida oo fajac ku noqotay

London (Halqaran.com) – Dhibbanihii ugu da’da yaraa adduunka ayaa ugu geeriyooday cudurka Coronavirus magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ismacil Mohamed Abdulwahab, waa wiil 13 sano jir ah oo ka soo jeeda qoys muslim ah oo ku nool Brixton, oo kutaala koonfurta London, ayaa geeriyooday isagoo aan wax xubin ah oo qoyskiisa kamid ah ka ag dhowayn sababto la xiriira faafitaanka Fayraska Corona.

Qoyska Ismaaciiil Maxamed oo horey aabahood ugu dhintay kansar uu qabay, ayaa yidhi: “Ismaaciil wuxuu bilaabay inuu muujiyo astaamo wuxuuna ku adkaatay neefsashada waxaana la dhigay Isbitaalka King College‘‘.

Afhayeen u hadlay cisbitaalka King’s College ayaa markii dambe xaqiijiyay geerida wiilka, iyagoo yiri: “Nasiib xumo, wiil 13 sano jir ah oo laga helay cudurka ‘COVID-19’ ayaa u geeriyooday Fayraska.”

Dhimashada wiilkaan yarka ah waxay meesha ka saaraysaa aragtidii sheegaysay in cudurkaan uu dilo dadka waaweyn ee da’da ah, waxaa kaloo xusid mudan in cuudrkaan uu kasoo kabtay qof jira ama ka weyn 100 sano.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...