Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Wasiirka Wasaaarada Gaadiidka DFS Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Afrika ee Duulista Hawada.

Kigali(Halqaran.com) –Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal oo hoggaaminaysa wafdiga Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir weynaha Afrika ee Duulista iyo Hawada oo maanta ka furmay magaalada Kigali ee xarunta Dalka Rwanda.

Shirkan oo labo maalin soconaayay, waxaa daah furay Madaxweynaha Dalka Rwanda , Paul Kagame, iyadoo ay ka qeybgalayaan in ka badan 1100 ka qeybgale oo ka kala socda 84 waddan oo isugu jira wasiirro , wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Marwo. Fardowsa Cusmaan Cigaal, ayaa sheegtay inuu shirkan muhiimad u leeyahay Soomaaliya , maaddama uu Dalka ku jiro Horumarinta adeegyada Duulista iyo Hawada.

“Dalkeenna wuxuu horumar ku sameeyay muddo kooban adeegyada Duulista iyo Hawada , wuxuuna ka qeybgalka shirkaan muhiimad u yeelaya in Soomaaliya ay la jaan-qaado , halka ay adduunyado u socoto ee la xiriirta Duulista iyo Hawada.” Ayay Tiri Wasiir Fardowsa.

Ugu dambeyn Inta uu shirka socdo  ayaa sidoo kale , waxaa ay Wasiirka kulan dooceedyo la qaadan doontaa, wasiirrada , maamullayaasha shirkadda duulimaadyada, xubnaha sare ee hay’adaha Duulista Hawada iyo khubarada kale ee shirka ka qeybgalaya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...