Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

DFS Oo Baaq Kulull U Dirtay Beelo Ku Dagaalamaya Gobolka Sh/Dhexe Akhriso.

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS ayaa Baaq Nabadeed u dirtay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada Raagaceele iyo degmada Cadale.

Halkaan ka akhriso:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxaa ay Baaq Nabadeed u direysaa Walaalaha ku Dagaalamay qaybo ka mid ah deegaannada hoos yimaada Raagaceele iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeelada dhaxe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

dhanka kale waxaa ay Wasaaraddu ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, iyo Waxgaradka deegaanka inay ka shaqeeyaan joojinta colaadda dhax martay walaalaha labadaasi deegaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta XFS waxay si gaar ah ugu boorineysaa walaalaha ay dirirtu dhax martay inay is xakameeyaan, kana fogaadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay Joojiyaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...