Wednesday, April 29, 2026
28.5 C
Mogadishu

Wasiirka Amniga ee DFS Oo Ka Hadlay Amniga Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin dadka magaalada ku dhex wata hubka aan sharciyeysneyn, isla markaasna lala xisaabtami doono.

Wasiirka oo ka qeyb galay Barnaamij ka baxay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay jiraan caqabado dhanka amniga balse wax laga qaban doono ayna socdan qorshooyin lagu tayeynayo Ciidammada booliska ee ka howlgalla muqdisho si ay u xoojiyan amniga caasimadda maadaama lagu guda jiro xilli dooraho.

“Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaliyeed u xaqiijiyo in uu jiro qorsho amni oo aan u dejinay dalka gaar ahaan Muqdisho, mana aqbaleyno in hub sharci darro ah lagu qaato Magaalada Muqdisho, laamaha amnigana waa inay tallaabo ka qaadaan ayuu yiri” Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiir Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada lasoo qabtay ay ku jiraan Ciyaar weero oo muddooyinkii dambe ay cabasho ka ahaayeen dadka kunool degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa, isla markaana qaarkoodna  la xiray, halka kuwo kalena baaritaano kadib lasii daayay.

Wasiirka amniga ayaa tilmaamay inay socdaan qorshayaal badan oo lagu sugayo amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, lana kordhin doono howlgalada ay wadaan Ciidanka Booliska, si loo xaqiijiyo amniga Magaalada.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee  Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in dowladda ay dhalinyada u sameeyn doonto shaqo abuur, si aan loogu adeegsan falalka amni darrada ee xiliyada qaarkood dhaca.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga  ayaa ku soo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgallo kala duwan ka wadaan Magaalada caasimadda ee Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...