Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Ciidamada Badda Iiraan oo gacanta ku dhigay Markab Shidaal waday.

Muqdisho(Halqaran.com) –Ciidamada Badda Jamhuuriyadda Iiraan ayaa afduubtay Markab nuuca Shidaalka qaada oo mararay gacanka Khaliijka kaddib markii ay ku eedeeyeen in uu tahriibinayay Shidaal sida hadalka loo dhigay.

Sarkaal katirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in markabka ay la socdeen 11 ruux oo ajaanib ah balse ma sheegin dalalka ay u kala dhasheen,  iyo shirkadda leh Markabka.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee dhacdooyiin is xig-xigay oo ka dhacday gacanka khaliijka, halkaas oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay lagu weeraray maraakiib ama la qabsaday.

Sido Mareykanka iyo Xulufadiisa ayaa Iiraan dusha ka saaray weeraro qaarkood lagu gubay Maraakiib nuuca shidaalka qaada, balse Xukuumadda Tahran ayaa iska fogeysay eedeemaha Washington.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...