Friday, March 13, 2026
26.7 C
Mogadishu

Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay Abaarta ku dhufatay Dalka.

Muqdisho (Halqaran.com) –Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyey dadaallada ay waddo DFS iyo goobaha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaartu.

Wasiirka ayaa sheegay in abaartani ay tahay tii ugu darnayd muddo 40 sanno ah,  taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan qof  oo u dhiganta 42% guud ahaan  dalka dadka ku dhaqan, isla markaana ay ka barakicisay deeganadoodii 894 kun oo qof, si ay u helaan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan carruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha  wuxuu sheegay in guud ahaan si siman abaartu u saameysay dalka, balse sidaran ay u samaaysay dadka Reer Miyiga ah ee kunool degaano kamid ah gobolada, Bakool, Hiiraan, Gedo, Galgaduud, Nugaal Sool iyo Togdheer.

Sido kale wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay saameysay tallaabooyin wax looga qabanayo abaarta, isla markaana ay u qeylo dhaamisay Caalamka, sidoo kalena laa soo bilaabo sanadkii 2021 dhammaan Golaha Xukuumadda laago laga jarayay Mushaarkooda si loogu maareyo arrimaha Abaaraha.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...