Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

Golaha Wakiiladda Somaliland oo Maanta ansixiyay Xubnihii Ka Harsanaa Komishanka Doorashooyinka.

Hargeysa(Halqaran.com) –Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in Golaha Wakiillada ay ansixiyeen xubnihii ka harsanaa Komishanka doorashooyinka Somaliland, si aan dib u dhac dambe oo ku yimaada arrimaah doorashooyinka aan Golahooda wax looga saarin.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku baaqay in xubnahan Komishanka doorashooyinka ay si wada jir ah hawshooda u dhamaystiraan, si ay u gudda-galaan hawshii u taalay Komishanka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxa uu sheegay in looga baahan yahay xubnaha komishanka doorashooyinku in ay caddaalad iyo si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka u gutaan shaqada culus ee horyaala

Golaha ayaa cod u qaaday, guddoonka Golaha ayaana shaaciyay in saddexdaan xubnood la ansixiyay, isla markaasna waxaa ay heleen mid 70 cod, waxaana ay ka mid noqon doonaan Guddiga Doorashada.

Khilaaf xoogan ayaa ka taagan qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxaana dhowr jeer deegaanada Maamulkaas ka dhacay bannaanbaxyo rabshado watay oo ay dhigeen dadweyne farabadan oo ay hoggaaminayeen Madaxda mucaaradka Somaliland ee kasoo hoejeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...