Kismaayo (Halqaran.com) – Ilaa iyo Afar Cayaartoy ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Kismaayo, kaddib markii la qarxiyay gaari bas ah oo ay la socdeen cayaartoyda kooxda JCCI.
Wararka ayaa sheegaya in baska cayaartoyda la qarxiyay xilli uu gaari jidka ka qaadayay ciyaartoy kale oo kooxda JCCI ka tirsan.
Sidoo kale, qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu sababay dhaawacyo badan, kuwaasi loo qaaday isbitaalka magaalada Kismaayo, sida ay Halqaran News u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Cayaartoyda kooxda JCCI ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen garoonka kubadda cagta, halkaasi oo la qorsheynayay in Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland uu ka daah-furo tartan u dhaxeeya kooxaha magaalada Kismaayo.
Si kastaba, mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in qaraxa galabta lagu qarxiyay Baska cayaartoyda uu ahaa mid loogu xiray.
Halka hoose ka daawo muuqaalka Warbixin ay UniversalTV ka diyaarisay qaraxii Kismaayo:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





