Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee ku shahiiday qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo, waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna”
Tacsida Madaxweynaha maamulka Jubbaland:
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa bahda cayaaataha Jubbaland iyo ehelada uga tacsiyadeeyay falkii argagixisanimo ee lala eegtay baska ay saarnaayeen ciyaartooyda Kooxda JCCI.
“Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubbaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex ka mid ah ciyaartooyda kooxda, qaar kalana ay ku dhaawacmeen. Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhallinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah”. Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka go’antahay inay beegsadaan qof walba, iyagoo si bareer ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhallinyarada, Aqoonyahanka iyo dadka u ah indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo sidii argagixisada Al-Shabaab looga adkaan lahaa, isla markaana loo badbaadin lahaa inta hartay Bulshadeenna.
Tacsida Madaxweynaha maamulka Galmudug:
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shacabka iyo dowladda Jubbaland uga tacsiyadeeyay dhallinyarada ku geeriyootay qaraxii Argagixisadu ay la beegsadeen baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda.
“Waxaan Dowladda iyo shacabka Jubbaland uga tacsiyaynayaa qaraxii argagaxisadu maanta la beegsatay Kooxda Kubadda Cagta magaalada Kismaayo. Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo dhallinyaradii ku geeriyootay, inta dhaawacana Allaha caafimaad degdeg ah siiyo Insha’allah”. Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
Isku soo wada duub, ilaa iyo Afar Cayaartoy ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxii xoogganaa ee galabta ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasi oo lagu qarxiyay gaari bas ah oo ay la socdeen cayaartoyda kooxda JCCI.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





