WAR CUSUB: Sidee ku timid in haweeney loo magacaabo ku-simaha agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga Somaliya?!

Jihaan Cabdullaahi Xasan, waa haweeneyda iminka la magacaabay

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya, Xassan Cali Maxamed Amardanbe ayaa Haweeney u magacaabay ku-simaha agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Jihaan Cabdullaahi Xasan ayaa loo magacaabay ku-simaha agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Tani ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee qof dumar ah loo magacaabo agaasime guud ee wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Haddaba hoos ka akhriso, warqadda magacaabista haweeneysaasi:

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com