Monday, May 18, 2026
27.3 C
Mogadishu

UPDATE: Urur goboleedka IGAD oo war cusub ka soo saaray doorashada Galmudug (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo ayaa ammaanay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhisida ka socda Galmudug.

Wakiilka IGAD ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada in si nabdoon oo loo dhan yahay ay u dhacaan geedi socodka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka maamulka Galmudug.

Guyo ayaa ugu baaqay  dhinacyada Galmudug inay ka shaqeeyaan si wadajir ah xalinta khilaafka taagan iyo dhismaha maamul cusub, oo ku yimaada qaab dimuqraadi ah.

Wuxuu xusay in doorashada nabad iyo dimoqraadi ah oo ka dhacda Galmudug ay abuuri doonto horumar la taaban karo oo ay kamid yihiin dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha taas oo gacan ka geysan doonta gaaritaanka qorshaha guud ee  dib usoo celinta Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee IGAD, ayaa waxa uu u mahadceliyay saaxiibada beesha caalamka  taageeradooda aan kala go ‘lahayn ee Soomaaliya oo hadda ka soo ka banaysa colaad muddo dheer socotay iyo dhibaatooyin kale.

Mr. Guyo ayaa markale ku celiyay sida ay uga go’antahay IGAD inay sii waddo wada-shaqeynta ay la leedahay Galmudug iyadoo ay weheliso dadaalkooda ku aadan dib-u-heshiisiinta iyo maamul loo dhan yahay oo wax ka beddeli doona Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...