Monday, June 1, 2026
26.3 C
Mogadishu

WAR CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo Caalamka u caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Kiiska Badda‚ ‘‘Kenya ha isku tashato‘‘!

New York (Halqaran.com) – Khudbaddii Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Fadhiga Guud ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa jawi deggan ku soo gabagabowday, wuxuunamMadaxweynaha uu diiradda saaray arrimo badan oo Soomaaliya ku saabsan.

Qodobbada Madaxweyne Farmaajo uu Khudbadiisa ku soo qaatay ayaa waxaa ka mid ah arrimaha amniga, dhaqaalaha, bulshada, xiriirka dalalka dariska ah, hufnaanta maaliyadda, kiiska badda iyo dowrka Soomaaliya ee Geeska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa go‘an geesinimo leh ka qaatay Kiiska Badda.


XOG XASAASI: Madaxweynaha Puntland: ”Hawada Somaliya maahan Dukaan qof leeyahay. Caqliga ha u taliyo dadka xayiray Kismaayo”!


Farmaajo ayaa xusay in Soomaaliya ay ku kalsoontahay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, islamarkaana marnaba Gorgortan aysan ka geli doonin arrimaha badda.

“Gorgortan kama geleyno Baddeena oo go’aanka Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaan ku kalsoonnahay”. ayuuna yiri Madaxweynaha JF Soomaaliya oo Khudbad xiiso leh oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay fadhiga qaramada midoobay ee New York.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...