Friday, April 17, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maamulka Koonfur Galbeed oo go’aan adag ka qaatay in la qabto Shir ka dhan ah DF Somaliya

Maxamed Abuukar Cabdi

Baydhabo (Halqaran.com) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in deegeenada Maamulkaasi ay ka mamnuuceen in lagu qabto shirarka looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo ka Warbixinaayay qodbadii ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada Maamulkaasi ayaa sheegay in maamulka uusan marnaba ogolaan doonin in guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed lagu qabto shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa ku wargeliyay dhamaan Maamulada degmooyinka uu gacanta ku haayo Maamulka Koonfur Galbeed, Godoomiyaasha Gobolada Saraakiisha Ciidamada in ay fuliyaan amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaah gudaha,isla markaana aanb la ogolaan shirarka ka dhanka ah Dowladda Federaalka.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan aqbalidoonin shirar siyaasadeed oo aan la Ogaysiin Wasaaradaha Amiga iyo Armaha Gudaha ay Cidii qabata u qoonsa doonaan qaswadayaal sida uu hadalka u dhigay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya kulan ay ku yeesheen Siyaasiyiin iyo Waxgarad ay ku dhaliileen Xanibaadii Duulimaadka aheed ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shaariif Sheekh Axmed Dowlada Soomaaliya ugu diiday in uu u dhoofo Magaalada Kismaayo oo uu ugu qayb gali lahaa Caleema saaraka Axmed Madoobe.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...