Wafdi uu horkacayo madaxweynihii hore Koonfur Afrika oo goor-dhow soo gaaray Muqdisho +(Ujeedka)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Thaabo Mbeki, ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Markii ay wafdigan soo gaareen garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho waxaa garoonka kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Axmed Ciise Cawad, wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira iyo madax kale.

Madaxda iyo xubnaha wafdigan ayaa la rajeynayaa in ay kulamo la yeeshaan madaxda ugu sareysa ee dalka waxaana xusid mudan in isla gudigan ay shalay booqdeen magaalada Neyroobi ee caasimadda Kenya iyaga oo la kulmay madaxda ugu sareysa dalka Kenya.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa shalay Neyroobi ka sheegay in socdaallka ay ku marayaan dhammaan wadamada gobolka hadafkiisuna uu yahay ra’yi aruurin ku saabsan nabadeynta, sugidda amniga iyo isdhex galka dhaqaalaha wadamada gobolka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com