Monday, March 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Wafdi uu horkacayo madaxweynihii hore Koonfur Afrika oo goor-dhow soo gaaray Muqdisho +(Ujeedka)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Thaabo Mbeki, ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Markii ay wafdigan soo gaareen garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho waxaa garoonka kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Axmed Ciise Cawad, wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira iyo madax kale.

Madaxda iyo xubnaha wafdigan ayaa la rajeynayaa in ay kulamo la yeeshaan madaxda ugu sareysa ee dalka waxaana xusid mudan in isla gudigan ay shalay booqdeen magaalada Neyroobi ee caasimadda Kenya iyaga oo la kulmay madaxda ugu sareysa dalka Kenya.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ayaa shalay Neyroobi ka sheegay in socdaallka ay ku marayaan dhammaan wadamada gobolka hadafkiisuna uu yahay ra’yi aruurin ku saabsan nabadeynta, sugidda amniga iyo isdhex galka dhaqaalaha wadamada gobolka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...