Wednesday, June 17, 2026
26.4 C
Mogadishu

Wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa Axadda maanta magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed gaaray wafdi hordhac u ah safar  Madaxweynaha DF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaaladaasi Baydhabo.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminayay wafdiga tagay Baydhabo, waxaana qeyb ka ahaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka, Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan.

Wafdigan gaaray magaalada Baydhabo ayaa hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo beri lagu wado in uu gaaro magaalada Baydhabo, halkaa uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Shirka dib u heshiisiinta ee loo qabanayo siyaasiyiinta iska soo horjeeda ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Xasan Sheekh ka qeyb galo furitaanka shirkaasi.

Ugu dambeyn, sidoo kale shirka ayaa waxaa lagu xalin doonaa khilaafka ka taagan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan a Al-shabaab, ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...