Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa goor-dhow maanta tiro madaafiic ah lagu garaacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sida Halqaran.com ay u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Madaafiicdan oo jugtooda la maqlay ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegayaan qaarkood inay ku soo dhaceen Xaafadda Cagadhiig ee Degmada Wardhiigley iyo Xaafadaha kale ee ku dhaw.
Wararka qaar ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku dhaceen dhismayaal ku yaallo gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya, inkastoo illaa hadda si rasmi ah aanan loo xaqiijin karin meesha ay kaga dhaceen Madaxtooyadda gudaheeda.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XOG XASAASI: Maxaad ka Ogtahay Sababta ay Puntland Xabsiga u dhigtay mas’uul ka tirsan Somaliland?!
- DAAWO SAWIRRO: Muxuu RW Kheyre kala hadlay Ciidamada Xoogga dalka ee loo diyaariyay dagaalka G/ Bakool?
- Ma burburtay haybaddii maamulka PUNTLAND?
- Sababta ay DF Somaliya u qaadan la’dahay saddexdan tallaabo oo ay ku ciqaabi karto Kenya!
Dadka ku nool Xaafada Cagadhiig ayaa sheegay mar kaliya inay dareemeen argagax xoogan oo ku aadan hoobiyeyaasha soo dhacay, islamarkaana ay ku carareen dhismayaasha dabaqa ah si ay ganbaad uga dhigtaan.
Ilaa iyo hadda rasmi ah looga oga halka laga soo tuuray hoobiyeyaashaan, balse Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano iyo baadigoobka meesha Hoobiyeyaasha laga soo ganay.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com