Saturday, July 11, 2026
26.1 C
Mogadishu

Weerarkii 11-ka September oo maanta laga xusay dalka Mareykanka & Trump oo sheegay..

New York (Halqaran.com) – Dadka Mareykanka ayaa maanta xusaya sanad-guuradii 18-aad ee weerarkii argagixiso ee September 11 2001, kaasi oo ku dhowaad 3,000 oo qof ku dilay New York, Virginia iyo Pennsylvania.

Madaxweyne Trump ayaa maalinkan ku xusaya daqiiqad aamusnaan ah oo uu ku qaban doono Aqalka Cad, ka hor inta uusan xaflad ka dhaceysa Pentagon-ka kala qeyb gelin qoysaska dadkii lagu dilay weerarkaasi oo ay fulisay kooxda Al-Qacida.

Magaalada New York, boqolaal ka mid ah kuwii weerarka ka bad-baaday iyo xubnaha qoysaska kuwii ku dhintay ayaa isugu soo ururi doono Ground Zero oo ah goobtii laga burburiyey daarihii mataanaha ahaa ee xaruntii ganacsiga adduunka, markii lagu dhuftay laba diyaarad oo lasoo afduubtay.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo munaasabad ka dhaceysa Shanksville, Pennsylvania, oo ku dhow halkii ay ku dhacday diyaaradda United Airlines Flight 93 kadib markii rakaabka ay kala wareegeen kooxdii soo afduubatay.

Waxaan weerarkaan fuliyay 19 nin oo xiriir la leh kooxda Al-Qacida, kuwaasi oo afduubtay afarta diyaarad ee lagu fuliyey weerarkaasi.

Xafiiska Halqaran.com, Ohio-Columbus  
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...