Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

UPDATE: Maxaad ka ogtahay hadalka Cajiibka ah ee uu Aadan Barre Ducaale ka sheegay Xafladda caleema saarka Axmed Madoobe?

Kismaayo (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqbalida baarlamaanka dalka Kenya, Aaden Barre Ducaale oo maanta ka hadlayay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aysan Kenya waxba dan gaar ah kalahayn arrimaha ku wajahan gudaha Soomaaliya, gaar ahaana Jubbaland.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in looga baahan yahay dhinacyada siyaasadda oo dhan, in ay midnimo la yimaadeen, wuxuuna cadeeyey in ay dadaal badan galinayaan sidii labada dal xariirkooda sare loogu qaadi lahaa.

Madaxweynaha dalka Kenya ayuu sheegay in uu ku faraxsan yahay doorashada Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in ay Kenya u aragto saaxiib dhaw Jubbaland, maadaama ay joogaan Boqolaal ka mid ah ciidamada dalka Kenya, kuwaas oo qorshahoodu yahay sugida Ammaanka.

“Ciidamada Kenya ayaan farta lagu fiiqin, Soomaaliya waxay ku joogaan AMISOM,Haddii nabad dhacdo daqiiqad joog maayaan, waxay la mid yihiin ciidanka dalalka Itoobiya, Uganda, Jabuuti & Burundi, yaan gacanta nala ku fiiqin” sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Aqbalyadda baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaasha Soomaalida oo dhan ayuu ugu yeeray in ay muujiyaan biseyl siyaasadeed, ayna waajib tahay in wadajir iyo midnimo lagu gaaro arrimaha taagan.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...