Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamal Gutaale ayaa war saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen waxay ku sheegeen in magacaabidii Guddiga Farsamada Maamul u dhisida Galmudug ay tahay mid hareer marsan oo Dastuurka Galmudug, ayna kala bar xubnaha Guddigaas yihiin Shaqaalaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya , qaarkoodna ay ka qeyb qaateen Ololaha Musharaxiinta qaar.
Sidoo kale, waxaa ay sheegeen in xubnaha Guddiga aanay aheyn kuwo u madax bannaan howlahooda, isla markaana gadaal laga maamulayo, waxay sidoo kale sheegeen in aan lagala tashan bulshada Galmudug.
Musharaxiintaan Waxay isku waafaqeen in gudiggaan uu hareer marsan yahay shuruucda dalka iyo Nidaamka Federaalka ah ee dalka ka jira, taasina ay gaf ku tahay Shacabka Galmudug.
Halka hoos ka akhriso War-saxaafadeedka:
→ Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay
- UPDATE: Maxaad ka ogtahay hadalka Cajiibka ah ee uu Aadan Barre Ducaale ka sheegay Xafladda caleema saarka Axmed Madoobe?
- TOOS U DAAWO Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo ka socota Kismaayo
- 14 qof oo ku dhimatay Shil gaari ka dhacay Somaliland
- Wararkii ugu dambeeyay Saraakiil lagu laayay duleedka magaalada Jowhar +Magacyada
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com