Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtay dalka, ka dib safar labo maalmood ah oo ay ku jooggeen dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya, kaasi uu sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali iyo La taliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada.

Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com