Tuesday, May 12, 2026
27.9 C
Mogadishu

UPDATE: Madaxweyne Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo noqday, kadib shir weynihii Japan ee uu ka qeybgalay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Magaalada Yokohama ee Dalka Jabaan kaga soo qeyb galay shir weynaha 7-aad ee horumarinta Afrika (TICAD7).

‪Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Japan waxa uu wada hadallo miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, Shinzo Abe, isagoo Madaxweynuhu ugu mahad celiyay soo dhoweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa intii ay halkaasi ku sugnaayeen.

Wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guulo wax ku ool ah kasoo hooyay safarkii ay ku tageen Dalka Jabaan.

Sidoo kale, waxay la kulmeen intii ay halkaasi ku sugnaayeen madax ka tirsan Banggiga Adduunka qeybtiisa Afrika, iyagoo ka wada hadlay dadaallada ay xukuumaddu ugu jirto dib u habaynta maaliyadda , deyn cafinta iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta wanaagsan ee haatan ka dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...