Saturday, January 17, 2026
25.5 C
Mogadishu

UPDATE: Guddoomiyaha Aqalka sare ”Madaxda dowladda waa inay xalliyaan khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleedyada”

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wuxuu maanta uu is dul-taag ku sameeyay khilaafka xoogan ee Dowladda Federaalka Somaliya kala dhaxeeya Maamul Goboleedyada.

Madaxda Dowladda Somaliya ayuu muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf darani kala dhaxeeyay Maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyadoo khilaafka kala dhaxeeya Jubbaland uu gaaray heer dhinaca hawada culeys laga saaro Jubbaland.

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo maanta ka hadlay furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu Madaxda Qaranka ugu baaqay inay xaliyan khilaafka kala dhaxeeya Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo tilmaamay sida ay laga maarmaan u tahay xal u helidda khilaafkaasi ayaa dhanka kale mid waajib ah ku sheegay in xal laga gaaro khilaafkaasi, si aanay dib u dhac ugu keenin hawlaha qaranka.

Ugu dambeyn, gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa muujiyay inaanan loo baahnayn is qabqabsi iyo is jiidjiid caqabad ku keeni kara horu-socodka dalka iyo dadka Soomaaliyeedba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...