Wednesday, January 14, 2026
26.9 C
Mogadishu

UPDATE: Golaha Aqalka Sare oo maanta Ansixiyay Sharci cusub (Muxuu yahay?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Kadib kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay ku ansixiyeen Sharciga Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa wuxuu ajandihiisu ahaa akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Shidaalka (Batroolka) iyo akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyinta Dowladda.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa si rasmi Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha & Gaadiidka Aqalka Sare ugu gudibiyay Hindise Sharciyeedka Shidaalka (Batroolka), si waafaqsan qodobka 45aad ee farqadiisa 1aad ee Xeer Hoosaadka Aqalka Sare.

Tani waxay ka dambeysay markii Wasiirka Batroolka Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed uu Golaha Aqalka Sare u marsiiyay akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka.

Xildhibaanada Aqalka Sare oo u guda galay ajandaha labaad oo ahaa Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda ayay u codeeyeen Xildhibaanada.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqay in sharcigan ay haa ugu codeeyeen 20 Senator, iyadoo ay 10 diiday, halka 1 Senator uu isaga aamusay, sidaasina uu ansax ku yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...