Tuesday, April 21, 2026
28.7 C
Mogadishu

Haweeney la taliye u aheyd Madaxweyne Waare oo ku dhimatay dooni ku gadoontay Baladweyne

Dahabo Axmed

Baladweyne (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haweeney La taliye u ahayd Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ay ku geeriyootay doonidii maanta ku qalibmatay fatahaadaha Webiga Shabelle.

Dahabo Axmed oo ahayd La taliyaha Dhinaca Haweenka ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay doonidii qalibmatay. Haweeneydan ayaa ka mid ahayd dadkii la socday doonida ku qalibmatay fatahaadaha ka dhashay Webiga Shabelle.,

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weli nolol iyo geeri aan midna lagu hayn qaar ka mid ah dadkii la socday doonida, waxaana socdo gurmad lagu soo samata bixinayo dadkaasi.

Doonidan ayaa waxaa la socday Masuuliyiin Maamulka Gobolka Hiiraan ka tirsan iyo dad shacab ah, waxaana jira qaar lagu guuleystay in la soo badbaadiyo.

Dadka la soo badbaadiyay waxaa ka mid ah Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, C/fitaax Xasan Afrax iyo Duqa Baledweyne, Safiyo Xasan Sheekh Cali Jimcaale.

Sidoo kale, wararka ay Halqaran.com ka helayso Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in dadkan ay ku sii jeedeen Deegaanka Ceeljaale ee duleedka Baledweyne, halkaasoo ay ku barakaceen qaar ka mid ah qoysaska ay fatahaaduhu ka barakiciyeen magaalada.

Roob xoogan oo xalay ka da’ay Magaalada Baledweyne ayaa kaga sii daray xaaladdii cakirneyd ee ka jirtay magaaladaasi, sida ay maanta sheegeen Guddiga Gurmadka Fatahaadaha, ee Sabtidii uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ugu dambeyn, roobka ayaa sidoo kale sababay in uu xirmo Garoonka Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ee Magaalada Baledweyne.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...