Saturday, July 25, 2026
24.8 C
Mogadishu

UPDATE: Dowladda Soomaaliya oo Canshuur Dhaaf ku dhawaaqday

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaaale Beyle

Muqdisho (Halqaran.com) – Dawladda Soomaaliya ayaa canshuur dhaaf u sameysay cunnada quutul daruuriga, si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, oo aysan saameyn ku yeelan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid19.

Raashika canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, iyo Burka iyo saliidda oo loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%.

Canshuur dhaafka ayaa billaabanaya 15ka Abriil, 2020, si aysan saameyn ugu yeelan maciishadda xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale wasaaradda maaliyadda ayaa shaacisay in ay dhiirri gelineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beereysiga si uu qayb uga noqdo dadaallada lagu baadi goobayo isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysanayso dhaqaalaha wadanka maadaamada uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xeroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaallada madaxda sare ee lagu raadinayo dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xoogga leh ee ku soo fool leh dhaqaalaha waddanka ee uu sababi karo xanuunka Covid19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...