Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan booliska sida gaar ah u tababaran ee Haramcad la geeyay magaaladaasi.
Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya illaa 100 Askari ayaa waxaa laga qaaday maanta duhurkii Magaalada Muqdisho, waxaana laga dajiyay Garoonka magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale wararka ay haleyso Halqaran.com ayaa sheegaya, in ciidamadan lagu soo bedelayo ciidanka kale ee Haramcad ee ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo Ahlu Sunna kula dagaalamay magaaladaasi.
Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole oo horay uga tirsanaa Ururka Al-Shabaab, balse markii dambe ku biiray dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Haramcad ayaa waxaa tababaray Dowladda Turkiga, waxaana lagu tababaray Xarunta Turksom ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






