Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

FAL-NAXDIN LEH: Nin isku dal-dalay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Arbacadii maanta ka dhacay, fal naxdin leh, kaddib markii qof shacab ah uu halkaasi isku dal-dalay.

Falkan ayaa ka dhacay Xarunta Dhibu raxma ee ku taallo Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin dad dhaqan celin loo geeyay.

Mid ka mid ah dadkii ku xirnaa xaruntaasi, ayaa la sheegay inuu isku dal dalay goobta, waxaana mar dambe la arkay isaga oo mayd ah.

Wararka ayaa sheegaya in goobta falka uu ka dhacay in ay gaareen Ciidamo ka tirsan laanta dambi Baarista Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka soo xiray dadkii xarunta Maamulaayay.

Sidoo kale, ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xiray wiil dhallinyaro ah oo Sawirro ka qaaday goobta falka uu ka dhacay kaasi oo lagu magacaabo Cabdi-Kaafi.

Cabdi-Kaafi ayaa la geeyay xarunta dambi baarista booliska Soomaaliya, halkaasi oo iminka uu ku xiran yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...