FAL-NAXDIN LEH: Nin isku dal-dalay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Arbacadii maanta ka dhacay, fal naxdin leh, kaddib markii qof shacab ah uu halkaasi isku dal-dalay.

Falkan ayaa ka dhacay Xarunta Dhibu raxma ee ku taallo Suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin dad dhaqan celin loo geeyay.

Mid ka mid ah dadkii ku xirnaa xaruntaasi, ayaa la sheegay inuu isku dal dalay goobta, waxaana mar dambe la arkay isaga oo mayd ah.

Wararka ayaa sheegaya in goobta falka uu ka dhacay in ay gaareen Ciidamo ka tirsan laanta dambi Baarista Booliska Soomaaliya oo halkaasi ka soo xiray dadkii xarunta Maamulaayay.

Sidoo kale, ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xiray wiil dhallinyaro ah oo Sawirro ka qaaday goobta falka uu ka dhacay kaasi oo lagu magacaabo Cabdi-Kaafi.

Cabdi-Kaafi ayaa la geeyay xarunta dambi baarista booliska Soomaaliya, halkaasi oo iminka uu ku xiran yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com