Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay hub iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab

Boosaaso (Halqaran.com) – Laamaha ammaanka Maamulka Puntland, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, kadib hawlgal Ciidanka ay sameeyeen.

Hawlgalka ayaa waxaa laga sameeyay Magaalada Boosaaso, gaar ahaan Suuqa Ganacsiga ee Magaalada, halkaasi oo xog la soo helay lagu ogaaday hubka iyo dadka la soo qabtay.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta deeganada Maamulkaasi hubka la soo qabtay inuu isugu jiray Rasaas, Qoriga Ak47 iyo Bastoolado.

Waxaa kale oo gacanta lagu soo dhigay sideed ruux oo la tuhmaayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo baaritaan ciidanka ay ku hayaan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in si wayn loo raadinaayo Sarkaalkii hoggaaminaayay Kooxda gacanta lagu soo dhigay, kaasi oo Ciidamada ammaanka aaminsan yihiin inuu baxsad ku yahay Magaalada Boosaaso gudaheeda.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa falal lidi ku ah dhanka ammaanka waxa ay ka gaystaan Magaalada Boosaaso iyaga oo beegsada Xubnaha la shaqeeya Maamulka Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...