Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

UPDATE: Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay Ceelasha Biyaha, qoryihiina laga qaatay

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Koonfureed Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya kooxo hubaysan ay halkaasi ku toogteen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Zamzam ee Ceelasha biyaha, kadib markii laba nin oo bistooladley ah ay toogteen laba Askari oo qoryo watay.

Markii ay dileen labada Askari kadib waxa ay ka qaateen labadii qori oo ay wateen, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobtii dilka uu ka dhacay.

Ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana halkaasi ay ka soo qaadeen maydka labadii Askari ee toogashada lagu dilay.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa deegaanka Ceelasha biyaha ka bilaabay hawlgal baaritaan ah oo lagu raadinaayo Kooxdii sida gaadmada ah u dishay labada Askari, kadibna goobta ka baxsday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...