Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

Fanaankii waynaa Cumar Shooli oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho

Cumar Shooli oo magaalada Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariistee fanankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shooli), iyadoo maanta barqadii lagu aasay isla Muqdisho.

Cumar Shooli ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho waxaa uuna u geeriyooday sida dadka ku dhaw-dhaw ay shegeen cudurka Macaanka ama Sokorta.

Aaska Marxuumka waxaa ka qayb galay guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir Ibraahin Dheere oo sheegay Maamulka Gobolka Banaadir inuu bixiyay qarashka aaska Marxuumka.

Fanaankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shooli) ayaa sida la sheegay ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka shabeellaha Hoose, waxaana da’diisa lagu sheegay dhowr iyo sideetan.

Waxaa uu fanka ku soo biiray sida uu ku sheegay wareysiyadii uu horey u bixiyay in ka badan 45 sano ka hor.

Fanaankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shooli) ayaa fanka kaga soo biiray dhanka ciidamada oo waxaa uu ka mid ahaa militarigii Soomaaliya sida uu ku sheegay wareysiyadii hore ee uu bixiyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...