Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xildhibaan sheegay inuu fashilmay qorshe lagu dili rabay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris (Ganey) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu fashilmay isku day la doonayay in lagu qaarajiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo sanad iyo afar bilood u xiran dowladda Federaalka.

Xildhibaan Ganey ayaa xusay in dhacdadii xalay ka dhacday hoyga uu xabsi guriga ku yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali lagu doonayay in lagu qaarajiyo ninkaasi, balse uu ka badbaaday.

Askari ka mid ah Ciidanka Ilaalada ee hoyga Abuu Mansuur lagu hayo ayaa la sheegay in uu dilay askari kale, oo hoygaasi wada ilaalin jireen. Warbaahinta gudaha ayaa tebisay in dilkaasi uu ka dhashay murun soo kala dhexgalay labadaasi askari.

Xog badan badan lagama hayo waxa dhabta ahi ee dhaliyay gacan ka hadalkaasi, hase ahaatee Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris waxaa uu ku warramaya in ujeedada ay ahayd qorshe lagu qaarajin lahaa Abuu Mansuur, inkastoo uu ka badbaaday, sida uu yiri.

Xildhibaan Ganey ayaa tilmaamay in hadda ka hor looga digay Madaxweyne Farmaajo ciqaabta ka dhalan karta, haddii la dhibaateeyo muwaadin Soomaaliyeed oo xil u tartamaayay, noocuu doono asalkiisa ha ahaadee.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay, inay ahayd in sharciga la horkeeno, haddii ay Dowladda Federaalka xadgudub ku haysato, balse aynaan ahayn in qofka maalinba guri ku yaala Magaalada Muqdisho la isaga hayo.

Ugu dambeyn, xildhibaan Ganey ayaa ugu Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu dhawro sharciga uu maanta xafiiska ku jooggo.

Halka hoose ka dhageyso Codka Xildhibaan Ganey:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...