Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

UPDATE: Al-Shabaab: 100 askari ayaan ku Dilnay weerarkii Balli-doogle

Balli-doogle (Halqaran.com) – Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray Weerarkii ay ku qaadeen xerada Balli-dogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay dagan yihiin Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahintooda ayaa sheegay in khasaaraha hordhaca ah ee la hayo uu yahay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 askari.

“Subaxnimadii hore ee Isniintii saaka, ciidamo gaar ah oo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa duullaan halyeeynimo ku qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle ee ku yaalla Sh/hoose”

“Garoonkaan oo qiyaastii 100km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa wuxuu hooy u yahay boqolaal ka tirsan military-ga Mareykanka, Saraakiisha UN-ka iyo shirkadaha military ee gaarka loo leeyahay iyo diyaaradaha Mareykanka, wuxuu sidoo kale ka dhigan yahay taliska laga hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka”, ayuu yiri Sarkaalka.

Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in weerarka lagu burburiyay ugu yaraan shan diyaaradood oo isugu jira Drones iyo Helicopters.

Dhanka kale Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ciidanka xoogga iyo Saaxiibbada Mareykanka ee taageera ay iska caabiyeen weerar gawaari loo adeegsaday oo al-shabaab ku qaadeen Saldhigga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...