Thursday, June 18, 2026
27.2 C
Mogadishu

DAAWO MUUQAAL: RW KHEYRE ”Cumar Filish dowladnimo ayaa lagu aaminay, maaha milkiile”

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu Qabtay Munaasibad Madaxwayne Farmaajo looga mahad celiyey Xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), waxaana Xaflada  ka qeyb galay, wasiiro, Xildhibaano Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaaa sheegay in Cumar Filish uu yahay Hoggaamiye haystay Codka shacabka, Islamarkaana magacaabistiisu ahayd mid sax ah, wuxuuna shacabka Munaasibada soo qaban qaabiyey inay Garab istaagaan Guddoomiye Cumar Filish.

“Gudoomiye Cumar Filish waxaa lagu Aaminay Dowladnimada ka iftiimaysa magaalada Muqdisho,  Inuu isku keeno Dadka oo Xaqooqda ilaaliyo,  Balse ma aha Milkiile,   ee Ma la shaqaynaysaan Mise waad la Xafladaynaysaan uun ? “ Waxaana shacabku ugu war celiyeen HAA Waanu la shaqaynaynaa “.

Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa hadalkiisa sii raaciyay, ”Waxaan idin leeyahay garab istaaga , siday u xoogaysato in lasoo celiyo Sharaftii iyo Karaamadii umadda Soomaaliyeed,  Sababtoo ah dadka magaaladan dagan iyagaa isku haya shacabka Soomaaliyeed oo ilaashadaan Qaranimada Soomaaliyeed.”

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...