Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Taliska Booliska K/Galbeed oo Amarro culus ka soo saaray Maalmaha Ciidul Fidriga

Baydhabo (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan iyo Taliyaha Saldhiga Magaalada Baydhabo Muqtaar Ibraahim Gaduud ayaa soo saaray awaawmiir la xiriira Amniga ee Maalmaha Ciida.

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo Muqtaar Ibraahim Gaduudow ayaa Waalidiinta Magaalada Baydhabo ku amray in Carruurta aysan u soo iibin Maalmaha Ciida Agabka Carruurta ku ciyaaraan ee lagu isticmaalo baaruuda.

Wuxuu sidoo kale sheegay, in inta lagu guda jiro Maalmaha ciida aysan wax gaadiid ah ka shaqeyn karin Magaalada Baydhabo, isla markaana dadka aan fulin amaradan ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Waxaa maalinta berri oo Isniin ah la filayaa in siweyn looga ciido guud ahaan dalka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale, waxaana Maanta siwen loo dareemayaa u diyaar garowga Ciidul Fidriga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...