Friday, November 7, 2025
27.9 C
Mogadishu

Somaliland ‘‘Nama matalaan dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Xamar”!

Hargeysa (Halqaran.com) – Somaliland ayaa kasoo horjeestay Kulamo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho uga socday Xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi oo looga hadlaayay qaabka loo soo dooran doono.

Shir ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa Golaha Wasiirada Somaliland ayay ku sheegeen in aysan ma talin dadka ku sugan Muqdisho, islamarkaana aysan qeyb ka aheyn doorashada Soomaaliya.

”Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu beesha caalamka, Midowga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u caddaynayaa in ay gardarro iyo gabbood fal tahay waraaqda ka soo baxday Xamar ee lagu xusay waxa loogu yeedhay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya deegaannada Somaliland”

Sidoo kale, war kasoo baxay Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa lagu yiri  “Waxana goluhu caddaynayaa in dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Xamar aanay metelin shacabka iyo Dawladda Somaliland balse ay yihiin dad shaqo iyo nolol si iskood ah uga raadsaday Muqdisho, waxana Jamhuuriyadda Somaliland siyaasad ahaan iyo dawlad ahaanba ay wakiilatay goleyaasha kala duwan ee qaranka kuwaas oo loo igmaday xaqiijinta himilada shacabka Jamuuriyadda Somaliland”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...