Saturday, June 20, 2026
25.7 C
Mogadishu

Shirkii Garsoorka Soomaaliya OO Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho+Sawiro

Muqdisho (Halqaran.com)- Shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaaladda dalka halka uu marayo.

Shirkaan ayaa ah sanadkii labaad oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay hey’addaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Maxkmadda Sare, Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka socda Maamul Goboleedyada dalka

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa hay’aadddah garsoorka dalka, iyadoo wasaaradda cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada garsoorka dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in hey’aadaha Garsoorka laga dhigi doonno kuwo lagu kalsoonaan karo, waxaana dib u habeynta lagu sameyay hey’aadaha Garsoorka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqrannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...