Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Shirkadda Facebook iyo WhatsApp ka oo hawada ka maqan

Muqdisho (Halqaran.com) – Aaladaha Facebook, Instagram, WhatsApp iyo Messenger ayaa mar qura hawada ka baxay kadib markii ay ku timid cilad, taasi oo keentay inay saameyso dad aad u fara badan oo dunida ku kala nool.

 

Sido Kale Waxaa hoos u dhacay dhamaan barnaamiyada Shirkadda Facebook ay leedahay, sida Whatsapp, Facebook iyo Instagram.

 

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii dib ay hawada ugu soo celin lahayeen.

 

“Waxaan ka warqabnaa in dadka qaar ay dhib badan ku qabaan helidda ama gelidda baraheenna” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxda shirkadda Facebook, kaasi oo lagu daabacay barta Twitter-ka.

 

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Waxaan ka shaqeyneynaa inay wax waliba sidii caadiga ahaa ku soo laabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan, uguna macquulsan, waxaana idinka raali gelineynaa caqabadda ku timid dhanka isticmaalka”.

 

Sidoo kale Whats Up ayaa dhankeeda baahisay qoraal u qornaa sida tan ‘’Waxaan la soconnaa in dadka qaar ay dhibaato kala kulmayaan barnaamijyada WhatsApp xilligan. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan wax walba caadi ku soo celinno sida ugu dhaqsaha badan.Waad ku mahadsan tihiin dulqaadkiina’’

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...