Muqdisho(Halqaran.com) –Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Maanta oo sabti ah galay maalintii shanaad ayaa soo dhammaaday, iyada oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .
Madaxda ayaa waxa ay maanta falanqeyn dheer iyo wadatashi ka yeesheen cabashooyinka la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada Golaha Shacabka oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo qaar ka mid ah Saaxibada Soomaaliya.
Sido kale Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaan weli is afgarad laga gaarin qodobada waaweyn ee Shirka oo ay ugu weyn tahay arrinta amniga dalka .
Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa il gaar ah ku wada haaya natiijada kasoo bixi doonta shirkan u dhaxeeya Raysal wasaare Rooble, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





